Animation

Daawo: Magaalada Jowhar oo Maanta ay Gaareen Qaar Kamid ah Ugaasyadii Horay Uga Baxay Shirka Jowhar Iyagoona Sheegay in ay…..

no responses
Monday October 10, 2016 - 5:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar oo uu ka socdo shirka dhismaha Dowladgobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta gaaray labo kamid ah Ugaasyadii ka biyo-diidsanaa ka qeybgalka shirkaasi.

Ugaasyada Maanta Jowhar lagu soo dhaweeyay waxaa kamid ahaa ugaas Cali Ugaas Muxumad Shafeec Iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaliya mudane Cabdirxmaan Xuseen Odawaa, ayaa wafdiga Ugaasyada ku qaabilay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Jowhar, waxaana wasiirku tilmaamay in ay aad usoo dhawaynayaan ugaasayada soo garay Jowhar si ay ugu biiraan dhameystirka dhismaha Dowlad Gobaleed Hirshabeelle.

Mudane Cabdiraxmaan Odawaa ayaa kulanka ka sheegay in sidoo kale ay sugayaan ugaas Xasan Ugaas Khaliif in uu soo gaaro magalada jowhar, dhawaana la dhameystirayo dhismaha Maamulka Labada Gobol.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

dscn6076 dscn6077 dscn6082 dscn6084 dscn6085 dscn6091