Animation

Daawo: Magaalada Cadaado oo Shalay ay ka dhacday Doorasho aad u Xiiso Badan Waxaana kusoo Baxay Laba Xildhibaan oo Mid kamid ah uu yahay Abwaan Cabdi…..

one response
Monday November 14, 2016 - 8:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado Maalintii shalay waxaa ka dhacday Doorasho aad u xiiso Badneyd oo Indhaha lagu wada haayay Waxaana la dooranayaayay Laba Kursi oo kamid Noqonaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Labo kursi oo kamid ah xubnaha aqalka Hoose ayaa lagu tartamayay  waxaana kursiga koowaad kusoo baxday Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay tanaasuashay haweeneydii la tartameysay Balse Duniyo waxa ay kusoo Baxday Cod Gacan taag ah oo ay Sameeyeen Ergada Wax dooraneysa sidaas ayeyna Duniyo ku heshay Kursiga Xildhibaannimada.

Kursiga Labaad oo ahaa kii ugu Xiisaha Badnaay oo ay ku Tartamayeen ilaa 4 Musharax ayaa waxaa kusoo Baxay Abwaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel.

Abwaanka waxaa la Tartameysa ilaa 4 Musharax oo kala ah:

Deeq Xuseen Mirre oo heshay 10-cod
3-Suldan Xaaji Aadan oo isna helay 7-cod
4-Qaasim Maxaed Abdi oo helay 5 cod

Balse Abwaan Cabdi Shire Jaamac ayaa Guusha ka qaaday Isagoona Helay Codad gaaraya ilaa 29 Cod wuxuuna ku Guuleystay Kursiga Labaad Doorashada Wareega Koowaad ayuuna kusoo baxay Abwaanka.

Mar qura Goobta ay Doorashada ka dhaceysa waxaa is qabsaday Mashxarad iyo Sawaxan Xoogan oo aad loogu taageerayay Abwaan Cabdi shire Jaamac Ciyaar jecel oo Markale kamid Noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.

jecel_1 jecel_2 jecel_3