Animation

Daawo: Magaalada boosaaso oo maalintii labaad go’doonsan gaadiidka oo aan dhaqaaqi karin iyo….

no responses
Tuesday May 16, 2017 - 4:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gaadiid aad u badan ayaa maalintii labaad waxa ay ku xiranyihiin Togga Ceeldaahir kadib markii togga uu kusoo rogmaday biyo aad u badan.

Gaadidka ukala Goosha Magalada Bosaaso iyo magaalooyinka ee puntland ayaa mudo laba maalmood ah waxa ay ku xanibanyihiin togga iyadoona rakaabkiio gaariga saarnaay ay dibadda joogaan.

Magaalada boosaaso ayaa go’doon gashay 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib markii uu istaagay gabi ahaanisku socodkii dadka iyo gaadiidka ee soo galaya kana baxayay Magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari..

Roobab xoogan oo ka da’ay boosaaso iyo biyo xoogan leh oo ay ka keeneen buuralayda Golis ay buux dhaafiyeen togga Ceeldaahir waxaana hadda toggaas ku go’doonsan boqolaal gaadiid ah iyo dadkii la socday.