Animation

Daawo: Magaalada Beledweyne oo Maanta lagu Ansixiyay Dastuur uu yeelan doono Maamulka Hiiraan State

no responses
Monday October 10, 2016 - 2:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay Sheegayan Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne waxaa lagu Ansixiyay Dastuur uu yeesho Maamul loogu Magacdaray Hiiraan State oo laga bar bar dhisaayo Maamulka Labada Gobol ee Hirshabeele.

Maamulkaan ayaa la sheegay in Caasimadiisa ay Noqon doonto Magaalada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

Akharinta Dastuurka, kaddib ayaa ergada goobta ku sugnayd waxaa la weydiistay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan , Waxaana Aqbashay 419 ka mid ah 423 ergo ah Goobtaas ku sugnayd saddex qof ayaa diiday halka qof kalena uu ka aamusay.

Guddiga Qaban-qaabada dhismaha maamulka ayaa halkaa uga dhawaaqay in wixii hadda ka danbeeyay ansax yahay Dastuurka, wixii xilligaan ka dambeeyana la guda-galli doono dhismaha laamaha kale ee maamulka.

Sidoo kale Goobta uu Kulankaan ka dhacaayay ayaa waxaa lagu shaaciyay Calanka uu yeelan doono Maamulka Hiiraan State Waxaana la sheegay in uu ka Koobnaan doono Midabka Buluugga oo leh Xidigta Shanta Gees iyo Midabka Cadanka ah Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Daawo Kulanka Beledweyne ka dhacay Maanta