Animation

Daawo: Madaxweyne xaaf oo soo dhaweyn aan horay loo arag loogu sameeyay magaalada galkacyo

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 7:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha galmudug axmad ducaalle geelle xaaf ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Madaxweynaha Waxaa banaanka magaalada ku soo dhaweeyay Bulshada Gaalkacyo iyo Maamulka Gobolka Mudug kuwaasi oo watay caleemo qoyon.

Soo dhaweyn kadib madaxweynaha ayaa u gudbay dhanka Madaxtooyada  halkaasi uu kula hadlay bulshada Madaxweynaha Galmudug.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxa ay socod ku mareen goobo badan oo lagu soo dhaweeyay, iyagoo markii dambe u gudbay xarunta maamulka Gobolka ee Galmudug, halkaasi oo ay kulan looga hadlayay xaaladda magaalada ay kula qaateen maamulka Gobolka.

Madaxweyne Xaaf ayaa kula dar daarmay shacabka Gobolka Mudug inay ka shaqeeyaan Nabadda.

Socdaalka nabadeed ee madaxweyne xaaf uu ku tagay galkacyo ayaa waxaa kasii horeeyay kii uu ku tagay magaalada caabud-waaq wuxuuna xaaf sheegay in xetaa socdaalka nabadeed uu ku tagi doono magaalada garoowe ee maamulka puntland.