Animation

Daawo: Madaxweyne xaaf oo soo dhaweyn aan caadi aheyn loogu sameeyay london iyo cosoblaha hirshabeelle oo ka qeyb galay

no responses
Saturday May 13, 2017 - 8:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Jaaliyadda galmudug ee ku nool magaalada london ayaa waxa ay habeenkii xalay aheyd xaflad balaaran oo soo dhaweyn ah u sameeyeen madaxweynaha cusub ee maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf iyo wafdiga la socday.

Munaasabadda soo dhaweynta madaxweynaha galmudug waxaa ka qeyb galay madaxweynaha maamulka hirshabeelle cali c/llahi cosoble oo isagana kamid ahaay madaxdii lagu casuumay shirka arimaha soomalia ee qamiistii lagu qabtay magaalada london.

Masuuliyiintii kasoo qaybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiye kuxigeenka 1 aaad EE barlamaanka Galmudug Xareed Ali Xareed, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Belgium,mas’uuliyiin iyo sidoo kale fanaaniin ay ka mid yihiin Maryan Mursal, C/risaq Gaadaco.

Madaxweynaha galmudug mudane xaaf oo xafladda soo dhaweynta hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyay jaaliyadda soomaliyeed ee galmudug ee ku nool london kuwaasi oo si diiran madaxweynaha iyo wafdigiisa usoo dhaweeyay wuxuuna balan qaaday in galmudug uu gaadhsiin doono horumar qofkasto dareemi doono.

Facebook Comments