Somali News Top News

Daawo: Madaxweyne Xaaf oo odayaasha Galmudug la qaatay kulan xasaasi ah oo Diiradda lagu saaray…..

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gurigiisa qado ugu sameeyay odayaasha dhaqanka Galmudug.

Kulanka qadada ah waxaa goob joog ahaay odayaal dhaqmeed galmudug magac iyo mansab ku leh waxaana kulanka ujeedkiisa uu ahaay in la iska wareysto xaaladda siyaasaddeed ee galmudug iyo in khilaafka madaxda ku dhexjira wada hadal lagu dhameeyo.

Madaxweyne xaaf ayaa sidoo kale odayaasha kala hadlay sidii loo xoreyn lahaay deegaanada galmudug shabaabna looga saari lahaay.

Madaxweynaha ayaa intaas hadalkiisa ku daray in uu dadaal Dheer ugu jiro sidii uu hishiis ula gali lahaa maamulka ahlusuna waljameeca si uu maamulkiisu u gaaro deegaanada ay hada maamulaan ahlusuna odayaashana looga baahanyahay in ay qayb ka qaataan oo ay tagaan deeganada ay xukumaan Ahlusuna oo ay kala hadlaan sidii ay ula hishiin lahaayeen maamulkiisa.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

Related posts

Gulaha Shacabka Maamulka Puntaland  oo diiday in ey xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Cawil oo  ka careysiiyay Horjooge  Deni.

admin

Daawo: Waxbadan ka ogow Kulan Xasaasi ah oo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku dhexmaray C/wali Gaas iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaliya

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Guddoomiyaha Deegaanka Af-urur ee Puntland oo si layaab leh uga hadlay Weerarkii Xalay shabaabka kusoo qaadeen deegaanka iyo wixii dhacay

Tifaftiraha K24