Daawo: Madaxweyne Xaaf oo Maanta Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Maxaabiis Dowladda soomalia kasoo deysay Hindiya

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ku qaabilay Maxaabiis gaareysa 80 ka mid ah dhallinyaro dhawaan laga soo daayay dalka Hindiya.

Maxaabiistaas waxaa ay ahaayeen 117 Qof,80 ka mid ah waxaa ay ka soo jeedeen Maamulka Galmudug halka kuwo kale ay ka soo kala jeedaan Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Xaaf,waxaa uu dhallinyarada uu maanta ku qabailay Dhuusamareeb soo dhaweyn kaddib u sheegay in ay qortaan warqado muujinaya xirfadaha ay leeyihiin si fursado shaqo loogu abuuro.

Xaaf,waxaa uu dhallinyarada uu maanta ku qabailay Dhuusamareeb soo dhaweyn kaddib u sheegay in ay qortaan warqado muujinaya xirfadaha ay leeyihiin si fursado shaqo loogu abuuro.

Wxaa ay ku eedeysnaayeen Burcad Badeednimo,waxaana ay dhamaantooda dhameysteen xukun Maxkamadeed u dhaxeeyay 6-7 Sano oo ay ku rideen Maxkmaadaha dalka Hindiya.