Animation

Daawo: Madaxweyne xaaf oo kulankii ugu horeysay la qaatay xubnaha labada gole ee galmudug iyo wafdi ka socda……

no responses
Thursday May 4, 2017 - 5:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha cusub ee maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf oo shalay doorashada ku guuleystay ayaa xalay waxa uu madaxtooyada cadaado casho sharaf ugu sameeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee galmudug wafdiga dowladda ka socda ee cadaado ku sugan,saraakiil iyo xubno kale oo cashada lagu casuumay.

Munaasbaadda casho sharafta ayaa aheyd mid isbarasho ah waxaana madaxweynaha uu u mahad celiyay dhamaan xubnihii cashada lagu casuumay ee kasoo qeyb galay.

Madaxweyne xaaf ayaa sheegay in galmudug uu dhabaha u saari doono wadada nabadda,horumarka iyo wax wada qabsiga .

Sidoo kale wuxuu ka codsaday shacabka galmudug in ay la shaqeeyaan maamulkooda si ay u gaaraan baraaro iyo nabad galyo waarta oo dadku ay ku wada noolaadaan.

Geesta kale madaxweynaha galmudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelkii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha ha u naxariistee marxuum cabaas siraaji oo ahaa wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka oo xalay lagu dilay muqdisho.