Animation

Daawo: Madaxweyne xaaf oo jabiyay iskoor u yaalay c/wali gaas markuu muqdisho la tagay ciidamo gaar ah oo….

no responses
Saturday May 6, 2017 - 1:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa noqday madaxweynihii u horeeyay ee Galmudug tan iyo Sanadkii 2006 oo Ciidan Gooni ah kala dagay Magaalada Muqdisho,

Xaaf ayaa marka uu gaaray Muqdisho waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ciidan ka tirsan kuwa Dowlada oo amaankiisa la wareegay waxana Diyaarada uu saarnaa la socday ciidan kale oo cadaado ka soo raacay.

Madaxweyne xaaf ayaa iska bareejeeyay madaxweynaha puntland oo markuu muqdisho soo aadaayo horay usoo kaxeysta ciidamo gaar ah oo ilaalinaya.

Xaaf ayaa muqdisho u yimid si uu ula kulmo madaxda dowladda iyo kuwa beesha caalamka waxaana lagu wadaa in uu qeyb ka noqdo madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka 11-ka bishaan ka furmaya magaalada london.