Animation

Daawo: Madaxweyne xaaf oo dhoolatus aan horay loo arag ka sameeyay magaalada caabud-waaq kadib markii uu….

no responses
Tuesday June 6, 2017 - 9:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf oo booqasho taariikhi ah ku joogay magaalada caabud-waaq ayaa waxa uu halkaasi ka sameeyay arin dhif iyo naadir ah .

Madaxweyne xaaf ayaa waxa uu ku dhiiraday in uu lug kusoo maro waddooyinka magaalada caabud-waaq oo kala xir xirneyd khilaaf magaalada ka dhexjiray awgeed.

Madaxweynaha oo uu la socday ku xigeenkiisa carabey ugaas taakooy iyo xubno kale ayaa magaalada kusoo dhex lugeeyay iyagoo shacabka tusunaayay in midnimada iyo wada noolaashiyaha uu yahay kan kaliya ee nabadda magaalada caabud-waaq ay ku hirgali karto.

Axmed Ducaale ayaa bulshada Cabudwaaq ka codsaday in nabada Magaalada la ilaaliyo isla markana laga fogaado wax walbo oo dagaal keeni kara.

Sidoo kale madaxweyne xaaf ayaa gurigiisa ku booqday shiikh shariif maxamed dhuub oo kamid ah waxgaradka iyo culimaa’udiinka magaalada caabud-waaq wuxuuna madaxweynuhu ka codsaday in shiikha uu ka qeyb qaato nabadeynta caabud-waaq.