Animation

Daawo: Madaxweyne Guulled oo Cadaado ku Laabtay ayaa Baaq u diray Ugaas Xasan Ugaas Khlaiif Kadib Markii uu….

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 12:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug Maanta waxaa dib ugu soo Laabtay Wafdi uu Horkacaayo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/Kariim Xuseen Guulled.

Madaxweyne Guulled oo ay Wehliyaan Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Galmudug ayaa Shalay Magaalada Jowhar u tagay ka qeyb galida Doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa Maamulka Hirshabeele.

Guulled Markuu Dib ugu soo Laabtay Magaalada Cadaado ayuu Warbaahinta kula Hadlay isagoona Hambalyo u diray Maamulka Cusub ee Hirshabeele iyo masuuliyiinta loo doortay Hogaaminta Maamulkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Baaq u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif in uu Taageero maamulka Cusub ee Labada Gobol loo dhisay Kaasi oo si sharci ah lagu doortay Islamarkaana ay Cadaalad ku jirto.

“waxaan ogahay Ugaasn Xasan inuu yahay Ugaaska ugu facaweyna Ugaasyada Soomaaliyeed ahna nin aad u qiima badan, maantana looga bahaayahay inuu Taageero Maamulkaas lagana shaqeeyo Midnimada shacabaka labada Gobolka”ayuu yiri Guuleed.

Galmudug waa Maamulka Kaliya ee ka qeyb galay Doorashada Hirshabeele Iyadoona Galmudug ay taagero Balaaran u muujisay Dhismaha Maamulkaasi iyo Weliba Masuuliyiintii la doortay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada:

20161018_092107 20161018_092119 20161018_092127 20161018_092135 20161018_092153 20161018_094942 20161018_095137