Animation

Daawo: Madaxweyne Guulled iyo ku Xigeenkiisa Xaashi Carabey oo Cadaado kusoo Dhaweeyay Raisul Wasaare Sharmaarke

no responses
Friday October 14, 2016 - 10:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

R/wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Wafdigaan ayaa u socda sidii Galmudug ay kala hadli lahaayeen dagaalada magaalada Gaalkacyo iyo qaabka ugu Haboon ee xal loogu heli karo.

R/wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wuxuu kula hadlay Warbaahinta Magaalada Cadaado wuxuuna sheegay inay la kulmi doonaan Masuuliyiinta kala duwan ee Galmudug.

Sidoo kale R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inay u gudbaan Magaalada Garowe halkaas oo iyana ay kula kulmi doonaan Madaxda Puntland si xal loogu helo dagaalada magaalada Gaalkacyo.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

shar1shar2shar3shar4shar5shar6shar7shar8

Facebook Comments