Animation

DAAWO: Madaxweyne Farnaajo oo sheegay in uu mudan yahey in lagu daydo Madaxweyne.

no responses
Thursday December 7, 2017 - 10:46 under Maqaalo iyo Warar by gurey
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay.

“Madaxweyne Xaaf isaga kaliya ayaa wax bixiyay, waa ninka awoodiisa qeybiyay ee ma ahan Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka saas in loo ogaada loo baahan yahay, waana qeyb ka mid ah tanaasulka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada maanta la gaaray ay ka soo bilaabatay dib u heshiisiintii Jabuuti ee sanadkii 2009-kii iyo isku darkii labadii baarlamaan ee dowladdii KMG aheyd, ayna maanta ka dhalatay dowlad joogto ah oo shacabka doortaan.

Ugu dambeyn waxaa uu u rajeeyay shacabka Galmudug mustaqbal wanaagsan, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixin doonto sidii loo taageeri lahaa maamulkaas.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay ku midoobeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, isagoo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay Munaasabaddii shalay ay Ahlusuna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen heshiiska ayaa ka sheekeeyay heerka uu soo maray dib u heshiisiinta, isagoo xusay inay ka soo bilaabatay maalintii isaga loo caleema saarayay Madaxweynaha.

Facebook Comments