Daawo: Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo”

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in DFS ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiig.

Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni.

“Waxaan baaq u jeedinayaa dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka iyo hay’adaha samafalka ee gurmadka u fidiyay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Dhanke kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo nabadgelyada, si looga adkaado kooxaha xagjirka ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.