Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo si xad dhaaf ah uga farxiyay Xulka Soomalia ee Hadda la ciyaaraya Tanzania

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia Mudane Maxamad C/llahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Xulkeenna Kubbadda Cagta ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, ayaa u rajeeyay guul kulanka ay galabta la ciyaarayaan dhiggooda Tanzania.

Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Magaallada Bujumbuura oo uu ciyaarta Final-ka ku daawan lahaa ayaa wiilasheena farxaddooda kala qeyb galay isagoo khadka taleefoonka kula hadlay una sheegay in soomaaliya oo dhan ay sugeyso guusha taariikhiga ah ay wiilasheena noo keenaan haddii alle idmo.

“Waxaan ilaaheey idinkaga rajeynayaa guul in aad Koobka soo qaadaan oo aad dalkiina usoo hoysaan magac wanaagsan, dhallinyarada waa ku dhiirigallineynaa in ay si wanaagsan u cayaaraan maxaa yeelan magacii iyo astaanta dalka ayay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta oo maqlay farriinta Madaxweynaha ayaa qaaday heesta astaanta qaranka ee Soomaaliyeey toosoo, Macalin Salaad oo ku hadlayay Magaca Xulka qaranka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhiirigallinta iyo garab istaaga uu u muujiyay waxa uuna intaas raaciyay in waqtigii ciyaarta uu dhawyahay oo ay garoonka sii aadayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambayn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa duco iyo niyad dhis uu u muujiyay xulka da’doodu ka yartahay 17 sano.