Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Si Kulul u Canaantay Maamul Goboleedyada

0

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad xasaasi ah u jeedinaayay jaaliyadda soomaaliyeed ee koonfurta suudaan ayaa waxaa uu si kulul u canaantay maamul goboleedyada .

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay waxbadan isaga qaldanyihiin oo ay doonaya in dastuurka ay hareer maraan iyagoo danahooda gaarka ah fiirsanaya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Dowladda dhexe ay u madax banaan tahay siyaasadda arrimaha dibadda iyo lacagta balse dowlad goboleedyada ay doonayan in dowladda dhexe ay kula maamulaan siyaasadda arrimaha dibadda ayna u daba maraan dowladda kulamo daneysi ah oo ay la yeeshaan dowladdaha dariska ah.

Halkaan Ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Farmaajo