Animation

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay muwaadin Caan ka noqday baraha bulshada oo lagu magacaabo ” AR FARMAAJO II GEEYA”

no responses
Saturday February 11, 2017 - 6:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha soomaliya maxamad c/llahi farmaajo ayaa maanta waxa uu la kulmay nin dhalinyaro ah oo dhawaan caan ka noqday baraha bulshada kadib markii uu ka soo muuqday muuqaal laga duubay xiligii ay socdeen dabaal dagyadii lagu soo dhaweynaayan madaxweyne farmaajo.

Ninkaan oo ku qeylo dhaaminaayay erayga “AR FARMAAJO IIGEEYA” ayaa waxa ayaa waxa uu si deg deg ah ugu faafay baraha bulshada waxaana la sheegay in madaxweyne farmaajo uu dalbaday in wiilkaasi dhalinyarada ah lala kulankiisyo.

Maanta oo sabti ah ayaana madaxweynaha waxa uu hotelka jaziira ku qaabilay muwaadinkaasi soomaliyeed oo lagu Cabdulaahi Maxamuud.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in markii ugu horeysay abid aan gacan qaado ama salaamo Madaxweyne arintaana waxa ay ii tahay mid aan weligey illoobi doonin.”ayuu yiri Cabdulaahi Maxamuud Cismaan.

Waa arin aad loogu riyaaqay maadama madaxweyne farmaajo uu sameeyay ficilkii ugu horeeyay oo bulshadiisa uu kula kulmaayo.

Halkaan ka daawo sawirrada