Animation

Daawo: Madaxweyne farmaajo oo maanta booqday aqalka barlamaanka turkiga muxuuse kala kulmay?

no responses
Wednesday April 26, 2017 - 4:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo oo booqashorasmi ah ku jooga dalka turkiga ayaa maanta boqoday aqalka baarlamaanka dalka turkiga.

Madaxweynaha waxa uu halkaasi kula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman.

Madaxweyne farmaajo iyo wafdi la socday ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada ankara ee dalka turkiga halkaasi oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Mudada uu joogo turkiga wuxuu kulan la qaadan doona dhiggiisa dalka turkiga rajab dayib erdogan iyadoona labada madaxweyne ay ka wada hadli doonan xiriirka labada dal iyo iskaashi ay wadaagaan soomalia iyo turkiga oo ah laba dal oo saaxiibo dhaw ah.

Madaxweyne farmaajo waxaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago goobaha taariikhiga ah ee dalka turkiga.