Animation

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo kusoo wareegay Xafiisyada madaxtooyada iyo Xasan shiikh oo Horkacaayay

no responses
Saturday February 11, 2017 - 2:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay madaxtooyada dalka looga aramiyo ee villa soomalia.

Madaxweynaha waxaa madatooyada kusoo dhaweeyay madaxweynihii hore ee soomaliya xasan shiikh maxamuud .

Xasan shiikh ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan in madaxtooyada uu kusoo booqdo madaxweynaha goordhaw xafiiska kala wareege doono ee farmaajo.

” Madaxweynaha cusub ee J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa igu soo booqday Madaxtooyada, oo maalmo ka dib si rasmi ah igala wareegi doona xafiiska” ayuu yiri xasan shiikh.

Madaxweyne farmaajo ayaa sidoo kale xasan shiikh uga mahad celiyay kuna bogaadiyay dalka meesha uu soo gaarsiiyay mudadii uu xilka haayay isaga iyo Teamkii howsha la waday mudada afarta sano aheyd .

Halkaan ka daawo muuqaalka 

 

Facebook Comments