Animation

Daawo: Madaxweyne farmaajo iyo madaxda maamul goboleed-yada oo cadaado uga qeyb galay xafladda caleema saarka madaxweyne xaaf

no responses
Monday May 29, 2017 - 3:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa waxa uu magaalada cadaado uga qeyb galay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha G/Mudug.

Sidoo kale munaasabadda caleema saarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle,wakiilka qaramada midoobay iyo wakiilka midowga afrika iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)  oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug, Marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa madaxda galmudug uga digay in ay iska ilaaliyaan khilaaf soo kala dhexgala.

“khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa ka dibna aanu keeno Ahlusunna”.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Madaxwaynayaasha K/Galbeed shariif Xasan Sh. Aadan, Jubba-land Axmed Max’ed Islaam, Puntland, C/wali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Hishabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlawe) waxayna halkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jira soo dhawayn iyo dhiirri galin ay u jeedinayeen madaxwaynaha G/Mudug ee maanta la Caleema saaray iyo dhammaan Maamulkaasi.