Animation

Daawo: Madaxweyne farmaajo iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee uganda oo kampala ku kulmay

no responses
Thursday June 22, 2017 - 2:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyinka iyo cabashooyinka jaaliyadda, wuxuuna dhankiisa uga xog warramay xaaladaha uu dalka ku suganyahay iyo baahida loo qabo in jaaliyadaha dibadda ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne farmaajo ayaa magaalada kampala uga qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka.