Somali News

DAAWO: Madaxweyne Deni oo indhaha ka qabsadey kiiskii Caasho Ilyees.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo wariyaashu  weydiiyeeen su’aalo dhowr ah ayaa jawaabay sababta uu u saxiixi waayey fulinta xukunkii dilka ahaa lagu riday saddexdii nin ee lagu helay kiiskii Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh yar oo lagu kufsaday laguna dilay Gaalkacyo.

Madaxweynaha oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Darajada koowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday kiiskii Caasha ay dhamaantood isku raaceen hal xukun, taas oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si cadaalad ah u dhacay.

Saciid Denni ayaa sidoo kale sheegay in fulinta xukunada ay ridaan maxkamadaha Puntland aysan wax door ah uga furnayn madaxweynaha iyo xukuumaddiisa balse ay go’aanka kama dambaysta ah gaadho maxkamadda sare ee Puntland.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu aysan marnaba fara geli karin arrimaha Garsoorka sidaasi darteedna aysan meelna kasoo gelin xukunada  ay ridaan Maxkamaduhu, kuwaas oo sida uu xusay ku dhamaada go’aanka ugu dambeeya ee maxkamadda sare.

Hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Denni ayaa u muuqdaa mid uu indhaha kaga qabsanayo kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas oo ku xidhan saxiixiisa, waxaana qoyskeedu ay dalbanayaan Cadaalad taas oo aysan helin weli.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Related posts

Daawo: Shiikh Cali Dheere iyo Horjoogayaal Alshabaab ah oo Muqdisho lagu arkay

admin

Sawiiro:-Waraaqaha aqoonsiga safiirnimo oo laga gudoomay safiirka dowladda Japan u soo magacaabatay Soomaaliya

admin

Daawo: Magaalada oslo oo lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynaayo madaxweynaha maamulka….

Tifaftiraha K24