Animation

Daawo: Madaxweyne axmad madoobe oo xaflad soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay magaalada….

no responses
Tuesday May 16, 2017 - 9:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweeynaayay laguna sii sagootinaayay madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland ayaa waxaa lagu qabtay magaalada london ee caasimadda boqortooyada ingariiska.

Jaaliyadda jubbaland ee dalka UK ayaa soo dhaweyn balaadhan u sameeyay madaxweyne axmad madoobe iyo wafdiga la socda ee ka qeyb galay shirkii london ka dhacay ee arimaha soomalia looga hadlay.

Munaasabaddaan ayaa waxa ka soo qeyb galay xubno matalaayay dowlad goboleedyada puntland,galmudug iyo hirshabeelle.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabiyay guddoomiyaha jaaliyadda jubbaland ee dalka ingariiska.

Boqolaar kamid ah jaaliyadda reer jubbaland ayaa ka kala yimid magaalooyinka dalka ingariiska waxaana ay muujiyeen soo dhaweyn qurxoon.

Madaxweyne axmad madoobe oo xafladda khudbad ka jeediyay ayaa ku amaanay jaaliyadda soomaliyeed ee jubbaland ka soo jeeda ee xaflada soo dhaweynta ah u sameeyay isaga iyo wafdigiisa wuxuuna ugu baaqay in qurba joogta ay dalkooda maalgashi ku sameystaan kana qeyb qaataan dhismaha iyo horumarka dalkooda.

Halkaan ka daawo muuqaalka