Animation

Daawo: Madaxweyne Axmad Madoobe oo Maanta ka Farxiyay Bukaanada ku jira Cisbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo kuwaasi oo …..

no responses
Sunday January 29, 2017 - 11:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku jiraan dad badan oo bukaan ah isla markana ay xaaladooda la tacaalayaan Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Isbitaalku uu ka kooban yahay gaar ahaan qaybta gar-gaarka deg dega ah qaybta bukaan jiifka iyo qaybta Hooyada iyo Dhalaanka.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu tagay qaybta Adeeg bixinta, qaybta Daweynta Cudurka Jadeecada, iyo Qaybta Daweynta Xanuunka Shuban Biyoodka, oo uu ku booqday dadweyne fara badan oo la baxnaaninayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu halkaas ku soo arkay dad badan oo xaaladooda aan gudaha dalka waxba lagaga qaban karin kuwaas oo uu balan qaaday in dibada loo qaadi doono isla markana ay Dowladu damaanad qaadayso xaaladooda Caafimaad.

Dhakhaatiirta iyo Hawl wadeenada ka hawlagala Isbitaalka ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ku booriyay in shaqada ay umada u hayaan ay sii laban laaban isla markana ay shaqeeyaan wakhti walba oo munaasab ah si loogu gurmado dadka baahida Caafimad qaba.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada