Animation

Daawo: Madaxweyne axmad madoobe oo guriga martida magaalada kismaayo kulan kula qaatay Danjire ku xigeenka Jarmalka ee Soomaaliya

no responses
Monday August 28, 2017 - 4:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Guriga martida ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Danjire ku xigeenka Jarmalka ee Soomaaliya Markus Bollmohr.

Kulankan ayuu ku xigeenka Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya kusoo bandhigayay waxyabaha la xiriira dhinaca adeega Bulshada ee ay ka hirgaliyeen Jubbaland gaar ahaan tageerada Ururada Haweenka Dhalinyarada iyo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Dowlada jarmalka uga mahad celiyay tageerada ay siiso Soomaaliya.

Danjire Markus Bollmohr ayaa sheegay in hananka maamul ee ka jira Jubbaland uu yahay mid lagu aamini karo deeqaha iyo adeegyada ay Jarmalku Soomaaliya ugu tala galeen isla markana tageerada ay siiyaan Jubbaland ay sii laban laabi doonan bilooyinka soo socda.

Facebook Comments