Animation

Daawo: Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Khadka Taleefanka ku wada hadlay iyo Xabad Joojin Galkacyo looga Dhawaaqay

one response
Monday November 7, 2016 - 1:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 07 November, 2016 wuxuu xafiiskiiska madaxtooyada  Puntland ee magaalada Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha  Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka ku xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”.

Madaxweynaha ayaa intaa raciyay ” Waxaa khadka soo galay taliyaasha ciidamada iyagana amar ayaan ku siinay in xabad joojin la sameeyo , waxaan rajaynayaa in xabad joojintaasi ay hir gasho , waxaana rajaynayaa Gaalkacayo dhibaatadeedu inay dhamaato iyo in dadka Gaalkacayo ay nabad ku noolaadaan”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas:

img_3204 img_3205 img_3216 img_3218 img_3219 img_3222 img_3225 img_3245 img_3263