Somali News

DAAWO: Madaxweynaha Maamulka Puntland oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Beesha.

Waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan aan caadi aheyn ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta mucaarad ah, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa isku xulafeystay sidii ay uga hortagi lahaayeen damaca ku jiro Dowladda Soomaaliya oo ah inay sameysato waqti kororsi ama inay qabato doorasho shubasho ah.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa dhawaan shir ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso waxay ku diideen dhawr sharci oo uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Madax weynaha Puntland ayaa qudbad kaJeediyay Shirkii Siyaasiyiinta Kablalax Darood Ee Nairoobi.

 

Related posts

Daawo Sawirrada: Wafdiga Raisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumada oo Maanta Cadaado kula kulmay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Guddoomiyaha Dagmada Ceel-waaq ka Sheegay Dagaalkii ka dhacay Ceel-waaq iyo Qasaaraha ka dhashay???

Tifaftiraha K24

Dhageyso: YUUSUF Dabageed oo “isku day DIL ka bad-baaday.

admin