Animation

Daawo: Madaxweynaha Hirshabeele iyo Xubnaha Aqalka Sare oo Maanta Muqdisho soo gaaray Kulana la qaatay Duqa Muqdisho

no responses
Friday November 11, 2016 - 12:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo xubnaha Aqalka sare ee maamulkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu ku aaddanaa marti qaad ay isaga iyo xubnaha la socda ka heleen maamulka Gobolka banaadir, si ay u kala warqaataan, isulana meel dhigaan arrimaha ka dhaxeeya Labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimacaale, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ka maamul ahaan inay Muqdisho soo gaaraan Mudanayaal ka socda Aqalka Sare oo matalaya Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Cali C/laahi Cosoble ayaa isna sheegay inay ka wada hadleen Labada dhinac sidii wada jir loogu raadin lahaa xuquuqda Gobolka Banaadir iyo Sahacbaka Caasimadda ku Nool.

“Mudane guddoomiye, waxaan kuu keenay,Senottadi u doodi lahaa xuquuqda Gobolka banaadir, inta uu xamar xuquuq la’ yahay Hir-Shabeelle waa naafo,waana ka wada Shaqayn doonna,Ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Wafdigan oo Xalay xaflad sagootin ah loogu qabtay Magaalada Jowhar, ayaa la sheegayaa inay kala hadli doonaan maamulka Gobolka Banaadir sidii loo dhisi lahaa Waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

fb_img_1478867173735 fb_img_1478867175429 fb_img_1478867188126 fb_img_1478867190824 fb_img_1478867197952 fb_img_1478867200889 fb_img_1478867203255 fb_img_1478867207809