Animation

Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Galkacyo kula kulmay….

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 12:05 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

09 Nov 2015 – Kulankaan oo ahaa mid mid dhex maray Madaxweynaha dowlada Galmudug iyo Naafada ku nool degmada Gaalkcyo ayaa waxa uu ka dhacay xarunta guriga Hooyooyinka Galmudug, waxaana kulankaan soo qaban-qaabiyay Wasaarada Gargaarka iyo Bini’adnimada Iyo Daryeelka Naafada Galmudug iyo Hay’ada Ileys Women Development.

Kulankaan inta uu soday waxaa lagu falan-qeeyay sidii wax loogu qaban lahaa dadka Naafada ah ee xiligaan ku nool degmada Gaalkcyo ee Galmudug.

Waxaana kulankaan ka hadlay qaar kamid ah dadka Naafada ah waxayna sheegeen in xiligaan ay heysato dhibaato dhanka Nolosha ah ayagoona intaasi raaciyey in aysan jirin cid xil iska saartay wax u qabashadooda isla markaana ay aad ugu dulman yihiin deegaanka waxa ayna Madaxweynaha ka codsadeen in wax uu u qabto.

Wasiirka Gargaarka iyo Bini’adnimada Iyo Daryeelka Naafada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa baaq u diray Hay’adaha taakuleeya dadka taagta daran, waxuuna ugu baaqay inay si deg-deg ah wax loogu qabto dadkaasi ku dhibaateysan gudaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlada Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo madasha ka hadlay ayaa balan qaad u sameyey dadkii Naafada ahaa ee maanta uu kulan la qaatay wax uuna sheegay in dowladiisu ay u sameyey dadka Naafada iyo Barakacayaasha ah Wasaarad ku shaqo leh arimahaas wax uuna tilaamay in ay wax u qabandoonto dadka taagta daran ee ku nool deegaanada Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo Madaxweynaha cusub ee dowlada Galmudug uu kulan la yeesho qaar kamid ah dadka Naafadda ah ee ku nool deegaanada Galmudug, waxuuna kulankaan noqday mid si wayn ay usoo dhaweeyeen dadka Naafadda ah oo sheegay inaysan wali la kulmin Madax la mid ah Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

 

naafo (2)naafo (3)naafo (4)naafo (5)naafo (6)naafo (7)naafo (8)naafo (9)naafo (10)naafo (11)naafo (12)naafo (13)

Facebook Comments