Animation

Daawo: Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Cadaado si diiran loogu soo Dhaweeyay

no responses
Saturday November 5, 2016 - 9:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo ayaa shalay ku laabtay Magaalada cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Madaxweyne C/kariim Guulled waxaa Safarkiisa ku wehlinayay Masuuliyiin sar sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyed Sareeyo Guud Bashiir Maxamad Jaamac Bashiir Goobe iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmad Cali Daahir.

Masuuliyiinta Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxa ay kusoo dhaweeyen Garoonka Magaalada Cadaado.

Taliyaha Ciidanka Asluubta soomaliyed iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegen in socdaalkooda uu salka ku haayo sidii Xafiis Xeer ilaalinta Qaranka uu leeyahay looga Furi lahaa Deegaanada Galmudug si Maxaabiista ay u heleen Xuquuqdooda.

Madaxweynaha Galmudug oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Safarkii uu ku tagay Dalka Imaaradka Carabta uu kusoo dhamaaday Guul iyo Is afgarad dhexmaray isaga iyo Dhigiisa Maamulka Puntland.

Madaxweyne Guulled wuxuu soo hadal qaaday Arimaha Doorashooyinka kusoo foodleh deegaanda Galmuudg isagoona Ciidamada Ammaanka Faray Feejignan dheeri ah iyo in Ammaanka ay sugaan .

Guulled wuxuu xusay in ay jiri karaan Caraqalado ay sameeyen Kooxaha Argagaxisada iyo in ay soo maleegi karaan Qaraxyo Dadka lagu dhibaateynaayo.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka