DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Somaliland oo siwayn loogu soo dhaweeyay Dalka Imaaraatka Carabta.

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagey wadanka Imaaraadka Carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse  ayaa Safarkiisa waxaa ku wehlinaayey xubno katirsan Xukuumadiisa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe iyo madax kale ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Abu Dhabi.

Dhanka kale Booqashada Muuse Biixi ee Imaaraadka ayaa salka ku haysa Hehsiiska Dekedda Berbera, oo mucaarado xooggan kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku tilmnaatay mid sharci darro ah.

 

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com