Animation

Daawo: Madaxtooyada Magaalada Cadaado oo Xalay lagu qabtay Munaasabad Balaaran oo lagu taageraayay Xubnaha Aqalka Sare

no responses
Monday October 17, 2016 - 9:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Munaasabad Balaaran oo lagu soo Dhaweynaayo Xubnha Aqalka Sare ee Galmudug ee Dhawaan Cadaado lagu doortay ayaa Habeenkii Xalay waxa ay ka dhacday Maglaaada Cadado.

Munaasabada Waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guulled iyo Ku Xigeenkiisa Maxamad Xaashi Carabey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Masuuliyiin kale.

Sidoo kale Munaasabada waxaa goob joog ahaa Xubnaha 8 ah ee Aqalka sare loo doortay .

Khudbado kala duwan ayaa Munaasabada laga jeediyay Waxaana Dhamaan dadkii ka qeyb galay ay si diiran usoo dhaweeyen Xubnaha Aqalka Sare Galmudug u matalaya Dowlada Soomaliya.

Galmudug waxa ay Noqotay Maamulkii Ugu Horeeyay ee soo doortay Xubnaha Aqalka sare Waxaana ay taasi ay keentay in Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka iyo Guddiga Doorashada ay Hambalyo u diraan Masuuliyiinta Maamulkaasi oo suurta galiyay in Doorasho Xalaal ah ay qabtaan.

Halkaan Hoose ka Daao Sawirrada

xaflad1-768x432 xaflad2-640x360 xaflad3-640x360 xaflad4-768x432 xaflad5-640x360 xaflad6-640x360 xaflad7-640x360