Animation

Daawo: Madaxtooyada jubbaland oo war-saxaafadeed ka soo saartay socdaalka axmad madoobe ee cadaado iyo…..

no responses
Monday May 29, 2017 - 5:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Cadaado, Galmudug (29 May, 2017)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Cadaado kaga qayb galay Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Madaxaweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Galmudug uu waa Cusub u baryay oo ay tahay in laga faa’iidaysto isagoo ku tirtirsiyay Madaxweynaha Cusub in uu xooga saaro Nabada iyo wada hadalka isla markana uu raadiyo Ahlusuna waljameeca.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay nabad kuwada noolaanshaha Galmudug iyo dhinacyada ay dariska la tahay isagoo Dowlada Federaalka ahna ku booriyay in ay kaalmada lagu soo helo Magaca Soomaaliya ay dalka oo dhan uga faa’iidayso.

Magaalada Cadaado ayuu Mudane Axmed Maxamed Islaam sheegay in loo bahan yahay Galmudugta Cusub in ay saldhigato oo ay ku shaqayso inta Caasimada loo guurayo.

“Anaga Caasimadanadu waa Bu’aale oo hada Al-Shabaab baa haysta balse wax walba oo aan kari karay waxaan isugu gaynay Kismaayo oo aan ku dhisnay sidaas oo kale waa in dhaxal looga tagaa Cadaado” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Facebook Comments