Animation

Daawo: Maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo kusoo Bandhigay Hub ay sheegen in laga soo furtay…..

no responses
Monday September 5, 2016 - 10:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

 Taliska Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Beydhabo ku soo Bandhigay 5 Qori oo AK47 ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka soo furteen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Dagaal ka dhacay inta Deegaanada Saydheelow iyo Labaatan jirow in Ciidanka koonfur Galbeed ay ku soo furteen 5 Qori oo AK$7 ah.

Wuxuu sheegay Howlgal saacado kooban qaatay oo ka dhacay Deegaanadaasi in ay ku dileen 3 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo uu sheegay Wasiirka in xogtooda la hayay, isagoo sidoo kale sheegay raggan xilligii la dilayay in ay wateen Mooto.

“Waxaan Dilnay 3 Dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab kuwaas oo in badan xogtooda lagu daba jiray, xilligii raggan la dilayay waxa ay saarnaayeen Mooto, waan sii wadi doonaa Howlgalada ka dhanka ah Shabaab” Ayuu yiri Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay)  ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu furayo wadada dheer ee isku xirta Diinsoor, Qansax-dheere iyo Bardaale oo hada ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo sida la sheegay shacabka ay ku dhibaateeyaan.

2 3 4 5 k1