Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay Hilibkii Qurmay ee Xalay Muqdisho lagu qabtay

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Sawirrada Hilibkii qurmay ee xalay ciidamada Ammaanka ay ku qabteen dagmada C/casiis ee gobolka banaadir.

Hilibkaan waxaa la doonaayay in shacabka muqdisho laga iibiyo si ay ugu waxyeeloobaan balse waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay hilibka iyo ragii watay oo 14 ruux ah.

Saldhigga dagmada c/casiis ayey hadda ku xiranyihiin raggii lagu qabtay hilibka qurmay ee shacabka ay ka iibin rabaan waxaana la horgeyn doona maxkamad sida uu sheegay Afhayeenka gobolka banaadir Abdi fitah cumar xalane.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hilibkaan ay duleedka muqdisho ku aaseen ciidamada Amisom ee xalane dagan balse ay dadkaan ka soo faageen oo ay dib dadka uga iibin rabeen.