Animation

Daawo: Maamulka Galmdug oo Si kulul uga hadlay Madaafiic Maanta lagu garaacay Magaalada Galkacyo iyo Xaalada oo Cawada kacsan

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 6:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Galkacyo qeybta Galmudug waxaa maanta lagu garaacay Madaafiic culus oo la sheegay in ay ka soo dhaceysa Qeybta Puntland ay ka taliso.

Madaafiicda ayaa waxa ay kusoo dhaceysay Iskuulka Sare ee Mudug Waxaana xiliga madaafiicda ay soo dhaceysa ardayda ay ahaayen kuwa Iskuulka ka maqan.

Duqeynta Madaafiicda ah ayaa lagu bartilmaameyd saday saldhiga ciidanka Galmudug ee dhanka Galbeedka,

Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday goobo ganacsi oo ku agyaalay dhanka Saldhiga waxana halkaasi burbur uu kasoo gaaray goobaha Ganacsiga iyadoo aysan dhibaato kasoo gaarin dadka halkaasi ku sugnaa,

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi Xusen Oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland maanta madaafiic ay ku soo tuureen iskuulka sare Mudug halkasi oo ay maqnadeen Ardaydii Dhiganeysay isagona intaasi ku daray In Puntland aysan diyaar u aheyn nabadda Gaalkacyo basle waxa uu hoos ka xariiqay in Galmudug aysan gacamaha Laaban Doonin

Gudoomiye Ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in Puntland ay si Cad u jabisay Heshiiskii Xabad joojinta Galkacyo ee ay wada gaareen Madaxweynayaasha Labada maamul.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka 

 

madfac1 madfac2 madfac3 madfac4 madfac6