Animation

DAAWO: Kulan loogu magacdaray Baadi goobka Soomaaliweyn oo Columbus lagu qabtay

no responses
Monday September 28, 2015 - 10:06 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Qaarka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio Dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan socdaal ku soo gaaray Ohio.

Xildhibaan Abdalla Hajji  oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi waxa ujeedka kulanka jaaliyada uu ku sheegay raadinta Soomaaliweyn iyo in laga baxo kala qoqobnaanta la dagtay dalka Soomaaliya.

Kulamo is dabo joog ah oo maalmahanba u si gooni gooni ah ula yeelanayay qeybaha Jaaliyada ayuu xildhibaanku ku gudbinayay fariintiisa oo ah In Soomaalidu is daba qabato kuna baraarugaan waxa uu ugu yeeray halis dul hoganaysa oo ku imaan karta xoriyadooda iyo jiritaankooda.

Aqoonyahankii kulankii manta ka hadlay waxa ay ka sinayeen raadinta Soomaaliweyn lakin waxa ay ku kala duwanayeen qaabka loo raadinayo ama loo wajahayo, iyada oo la isla garwaaqsaday in laga bilabo Ardaaga qoys walba Maamulada iyo dowlada Soomaaliyana loogu yeero in ay ka shaqeyaan hanaankii lagu heli lahaa Midnimo loona bad baadin lahaa Soomaaliya.

Joogitaanka Ciidamada Shisheeye, Faragalinta dalalka Jaarka iyo siyaasada Beesha Caalamka qaarkood ayaa la isla garwaaqsaday in haadaan dheer ay ku sii ridayaan Soomaaliya oo markale cageheeda isku taagta.

Xildhibaanka ayaa aad uga sheekeeyay marxaladihii uu dalka Soo maray iyo dowladihii kala gadisnaa oo uu 3 ka mid ah dowladihii u danbeeyay ka ahaa Xildhibaan qaran.

Jaaliyada ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo isku duubni isla markaana ay ku xisaabtamaan in dalkoodu sugayo ugana baahanyahay caqli iyo aqoon wax gal ah.

“Waxaa Soomaaliya ku hareeraysan haliso badan oo qatar ah ayuu yiri xildhibaanka oo intaa raaciyay in Soomaaliland in ay Fogaato ay masuul ka yihiin siyaasadaha dalka iyo Soomaalida Konfureed oo taladii dalka ayagu isku koobay”

Kulankan oo ay aad u xiisaynayeen ka soo qeybgalayaasha ayaa Su’aalo la weydiiyay Xildhibaanka isaga oo ka jawaabay dhamaan su’alihii la weydiiyay oo aad u kul kulaa.

Waxaa loo balamay kulamo kale iyada oo gobolada dalka Maraykanka kuwa Soomaalida badani ku noolyihiin uu nooqan doono.

Deeqa Yusuf Shire “Sonna”

IMG_8753 IMG_8755 IMG_8759 IMG_8767 IMG_8784 IMG_8789 IMG_8803 IMG_8812 IMG_8822 IMG_8828 IMG_8829 IMG_8844 IMG_8862 IMG_8872 IMG_8875 IMG_8888 IMG_8899 IMG_8904 IMG_8913 IMG_8921 IMG_8933 IMG_8935 IMG_8936 IMG_8944

Facebook Comments