Animation

Daawo: Kismaayo24 oo Heshay Sawirrada Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo la sheegay in lala beegsaday….

no responses
Thursday February 2, 2017 - 10:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya qarax maanta ka dhacay Dagmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay Agagaarka Hotelka Oriental ee Dagmada shibis waxaana qaraxa lagu xiray gaari uu watay nin dhalinyaro ah oo Magaciisa lagu sheegay Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh.

Mustaf dhaawac xoogan ayaa ka soo gaaray qaraxa gaarigiisa loogu xiray lamana oga cida ka dambeysay qaraxaan .

Qaraxa waxaa lagu xiray kursiga uu ku fadhiyay Darwalka waxaana ku dhaawacmay kaliya wadihii gaarigaas oo mustaf lagu magacaabo.

Lama sheegin weli cida uu yahay mustaf iyo sababta qaraxa loogu beegsaday.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirrada