Animation

Daawo Khudbadii Musharax Farmaajo oo Qoraal iyo Muqaal ah

no responses
Sunday February 5, 2017 - 12:31 under Kaydka Wararka Xulka ah by admin
mqdefault

 

 

 

12-kii Qodob ee ugu muhiimsanaa qudbadii Madaxweyne FARMAAJO.

1- “Si aan dhibaatada daba dheeraatay wax uga qabano, Waxaa u baahanahay is bedel dhab ah, ma ahan is bedel qof qof bedelaya, Is bedel hab dhaqameed siyaasadeed”

2- “Shacabka iyo dowladda is wadata cid walba waa ka adag tahay, waa inaan shacabka u dhowaanaa, Shabaab ayaa imaan karin, dowlado shisheeye ayaa imaan karin”

3- “Waxaa bedeleynaa dhaqankii siyaasadeed ee malaayiin dollar lagu baabi’iyay in dowlad lagu rido, midna lagu dhiso, waa caado xun”

4- “Waxaa bedelayaa dhaqankii siyaasadeed ee Madax walba in safari aan loo baahneyn dibadda u aadaan, waqtiga iyo hantida qaranka lagu lumiyo, ma ahan Madaxweyne in bishii 3 jeer uu baxo”

5- “Siyaasada waa xal raadin, khiyaano ma ahan, been ma ahan, balan ka bax ma ahan, meel ay adduunka ka jirto ma lahan, qof inta aad balanka uga baxdo ma ahan”

6- “Markii aan xilka ka tagayay, waxaa qasnada dowladda uga tagay Todobo Milyan iyo bar, meeshii aan ugu imid qasnad maran”
Farmaajo

7- “Waa in Ciidanka aan daryeelnaa, mushaar siinaa, caafimaad heysto, hadii uu dhintana aan carruutiisa ka war qabno”

8- “Waxaa la dagaalameynaa musuq maasuqa, sida Shabaabka cadaw ugu yihiin shacabka ayaa musuq maasuqa uu yahay cadawga horumarka”

9- “Waxaa xoogga saarayaa dib u heshiisiin, Madaxweyne noqon maayo ee Nabadoon ayaa noqonayaa, cid walba meesha ay joogta ayaa ayaa ugu tagayaa, waxaa xoojinayaa oday dhaqameedyada rasmiga mushaarna waa u qoraa”

10- “Somaliland waa dad walaalo ah, waa isu baahanahay, Makala maarmo, waa inaan u hambalyeynayaa nabada ay ka gaareen degenaansho, xasilooni siyaasadeed, waana wax muhiim ah in looga daydo, waa la fariisanayaa, wax walba ay tabanayaan waa kala xaajoonayaa”

11- “Qofkii hantida qaranka ku takri fala, umaddana waa ku ceebeyneynaa, xabsi dheerna waa u direynaa”

12- Xuquuqda ciidanka iyo shaqaalaha ma ahan had iyad markii la doono la siiyo ee waa xuquuq ay waajib u leeyihiin.