Animation

Daawo: Khudbadihii ay Jeedinayeen Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele oo Goordhaw lasoo Gaba gabeeyay iyo Xiliga Doorashada oo lag dhawaaqay

no responses
Sunday October 16, 2016 - 8:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar ee Xurunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa hada ku soo gabagabowday dhageesga Khudbadihii ay Musharxiinta Madaxtinimo ee Hirshabelle u jeedinayeen  Baarlamaanka Maamulkaasi.
Hoolka ay ka socotay  Khudbadaha waxaa ku suganaa Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, Musharixiita u taagan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle iyo marti sharaf kala duwan.

Musharaxiinta u Tartamaya in ay qabtaan xilka  Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle waxaa Sadex Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare ,Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Cali Maxamed Carraale,

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenada u taagan Hirshabelle waa labo Musharax oo kala ah Cali cabdulaahi Guudlaawe iyo Musharax Cali Xasan Taakow.

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa in laguda galo Doorashada madaxweynaha dowlad Goballeedka Hieshabeelle iyo Madaweyne ku-xigeenka Maamulkaasi.

1q-2 2q-3 3q-3 4q-2 5q-3 6q-2 7q-2 cosoble-1 dscn5248 waare