Animation

Daawo: Kaamirada qarsoon ee ku xiran dekedda weyn ee muqdisho oo duubtay qaabka uu u dhacay qaraxii shalay

no responses
Thursday May 25, 2017 - 3:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kaamirada qarsoon ee ku xiran waddooyinka dekedda weyn ee muqdisho ayaa duubtay muuqaalka qaraxii shalay ka dhacay agagaarka dekedda muqdisho.

Qaraxa waxaa uu ahaay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo qof naftii hure ah uu waday waxaana muuqaalka la baahiyay uu muujinaya gaari nooca raaxada ah oo ku qarxaya meel ka fog dekedda .

Taliska ciidanka booliska soomaliyeed ayaa sheegay in qaraxii shalay bartilmaameedkiisa uu ahaay goobaha lagu qaadaayay imtixaanaadka mideysan ee dowladda ay qaadeysay balse ciidanka booliska ay ka war heleen xogtaas ayna feejignaan xoogan galiyeen goobaha imtixaanaadka lagu qaadaayay.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa sheegay in qaraxan lala damacsanaay meelaha lagu qaadaayay imtixaanaadka balse aysan u suurta galin kooxda alshabaab in qaraxaas hadafkiisa ay gaaraan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka lasoo bandhigay