Animation

Daawo: Jubbaland oo saxaafadda usoo bandhigtay rag shabaab ka tirsan iyo qaraxyo ay wateen

no responses
Saturday June 10, 2017 - 3:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Afar nin oo Shabaab ka tirsan iyo qaraxyo ay wateen, waxaana lagu soo bandhigay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kadib markii laga soo qabtay Degmada Baled Xaawo.

Waxaa lagu soo qabtay Raggaan Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland.

Wasiir Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa sheegay  ciidamada Jubbaland inay ka soo qabteen raggaan Degmada Baled Xaawo, xilli ay wateen caagado ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo aalado kale oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka gobolka Gedo.

Facebook Comments