Animation

Daawo: Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Kala Carar uu ka dhacay Kadib Markii ay Gudaha Jaamacada soo galeen Dabley hubeysan oo Ardayday Rasaas ku rideysa( Dhageyso)

no responses
Monday November 28, 2016 - 5:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 6 nin ayaa maanta gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Cabdi.

Gelitaanka ciidamadan gudaha ayaa waxaa ka timid kadib markii ardaydii gelinkii hore ay xisooyinkoodii dhamaysteen ayaa waxaa banaanka ay kula kulmeen rag hubeysan oo dareeska ciidamada xiran kuwaasoo dhac kula kacay.

Guddoomiyaha Jaamacadda oo VOA la hadlay ayaa sheegay in raggan hubeysan ay gudaha u soo galeen jaamacadda iyaga oo xabada ridaya, taasna ay keentay in ardaydu ay qaarkood derbiyada ka boodaan walaacna uu ka dhashay gudaha jaamacadda

Daahir Xasan Cabdi Daahir Carab ayaa sidoo kale sheegay in jaamacadda aysan lahayn wax ilaalo hubeysan ah.

Ardayda jaamacadda ayaa falkaas kadib la arkayey ayaga oo koox koox u taagan, ayna ka muuqato cabsi.

Ciidamada ammaanka ayaa gurmad u sameeyay xarunta Jaamacada SIMAD hase yeeshee lama oga in ay ciidamada ammaanka ay cid u soo qabteen iyo in kale. Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD

 

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro laga qaaday Xiliga ay Dableyda gudaha usoo galeen Jaamacada

fb_img_1480342230523 fb_img_1480342236797 fb_img_1480342238690 fb_img_1480342240375 fb_img_1480350935444 fb_img_1480350940894 fb_img_1480350943498 fb_img_1480351567316 fb_img_1480351571884 fb_img_1480351575119 fb_img_1480351584460 fb_img_1480351586630 fb_img_1480351608199 fb_img_1480351698579 fb_img_1480351701989 gg xssx