Animation

Daawo: Jaaliyadda Galmudug ee Magaalada Minneapolis oo taageero Weyn u Muujiyay Guddiga u Xilsaaran Dhismaha ……

no responses
Thursday September 22, 2016 - 8:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaflad ballaarn oo ay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Galmudug laguna taageerayay Hay’adda GOB oo gacanta ku haysa dhismaha Waddada isku xirta Magaalooyinka Galkacyo iyo Hobyo ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda GOB Mudane Maxamed Axmed Urur oo munaasibadaasi lagu soo dhaweeyay ayaa warbixin dheer ka bixiyay baahida keentay dhismaha waddada, heererkii ay soo martay iyo waxtarka weyn ee ay u leedahay guud ahaan Soomaalida gaar ahaana Dadka dega Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Urur ayaa sheegay in Dadka deegaanka iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug ay muruq, maal iyo maskaxba galiyeen sidii waddadaa muhiimka ah loo dhisi lahaa, isgaoo intaa ku sii daray in uu dhismuhu meel wanaagsan marayo Dadka ka qeybqaatayna ay heleen kalsooni ah in ay baahidooda wax ka qaban karaan intii ay cid kale sugi lahaayeen.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay Dadweynihii Munaasabadda ka soo qeybgalay in ay sii wadaan taakulaynta mashruucan oo uu soo dhawaaday waqtigii ay mirihiisu soo go’ayeen, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay jaaliyada Galmudug ee Minnesota oo qeyb weyn ka qaadatay dhismaha waddadaasi.

Dadkii kale ee shirkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ugaas Yuusuf Xasan Warsame, Sh. Cabdullaahi Faraweyne iyo Sh. Cabdi Cali bahal oo soo jeediyay hadalo iskugu jiray wacdigalin iyo dhiiragalin oo ay si weyn ugu riyaaqeen ka soo qaybgalayaashi xafladu, ugu dambeystii waxaa goobta laga dhawaaqay balaqaad lacageed oo ay jaaliyadu mashruucaasi ugu deeqday.

gal7 gal3 gal2 gal1 gal