Animation

Daawo:- jaaliyada Puntland ee Ustaraaliya oo soo dhaweyeey sanduuqa dhaqaalaha aruunta Gobalka Mudug

no responses
Wednesday September 16, 2015 - 8:38 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Jaaliyada Reer Puntland ee Ustaraaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Melban ee dalkaasi waxaana ay ku taageereen sanduuqa dhaqaalaha aruunta ee Madaxweynaha Puntland Dhawaan u furay Gobalka Mudug.

Afhayeenka Jaaliyada Puntland ee Ustaraaliya Siciid Cabdiraxmaan Shiinle ayaa bogaadiyey dib u dhiska iyo bilicaynta ka bilaabatay Magaalada Gaalkacyo iyo soo celinta hantidii dowladda ee horayn u haysteen dad shacab ah waxaana uu ku tilmaamay talaabada ay shacabku ku baneeyeen Xarumihii dowladda mid wax badan ku soo kordhin doonta bilicda iyo qaabaynta Magaalada Gaalkacyo waxaana uu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb-qaataan horumarada ka socda dalka .

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee dalka ustaraaliya Cumar Maxamed dhoolawaa oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyey sanduuqa loo furay Gobalka iyo dib u dhiska ka soconayah Gobalka waxaana uu sheegay inay ka qayb-qaadanayaan sidii dhaqaale loogu helahaa sanduuqa loo furay Gobalka.

Aqoonyahan Xaliimo shiikh Maxamuud ayaa ku amaantay shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo sida ay u garab istaageen hagaajinta iyo qurxinta Magaalada gaalkacyo waxaana ay u soo jeediyey shacabka ku dhaqan Magaalooyinka kale ee Puntland ay ku dayndaan talaabada ay qaadeen shacabka Gobalka Mudug.

Aqoonyahan Xaliimo ayaa sidookale ugu baaqday Jaaliyada Reer Puntland ee ku dhaqan Caalamka inay si wada jir ah uga qayb-qaataan horumarinta wadanka waxaana ay tilmaantay qaabaynta iyo dib u dhiska Magaalooyinka inay ka qayb-qaaataan horumarinta dalka iyadoo ku tilmaantay talaabo ku dayasho Mudan.

Ahmed abdulahi goobe ganacsade reer puntland ah,Safiyo nuur horeeye oo ah xubin firfircoon jaaliyada Australia ka mid ah iyo Aqoonyahan reer puntland ahna gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Australia ahmed mohamed warsame oo dhamaan kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay horumarka iyo dib u dhiska Gobalka Mudug iyo sida loogu baahanyahay in laga wada qayb-qaato.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa 9-kii bishaan Sebtember ka daah-furay Magaalada Gaalkacyo horumarinta Gobalka Mudug waxaana uu ugu baaqay qurba joogta inaysan dalka u soo doonan xilal oo kaliyaha ee ka qayb-qaataan horumarinta iyo dib u dhiska Dalka.

Facebook Comments