Daawo: Imaaraat-ka carabta oo Muqdisho kala baxaya saanaddii milatari ee Ciidamada uu ku tababari jiray

0

Dekedda weyn ee Myqdisho waxaa weli taagan Markab ay leedahay Dowladda Imaaraat-ka oo lagu guraayo saanaddii milatari ee Imaaraat-ku kala baxay xaruntii tababarka ee Gen Gordan iyo qalabkii Milatari ee uu kala soo baxay deegaannada Puntland.

Markabkaan oo lagu magacaabo JABAL ALI 7 ayaa waxaa kaliya uu muqdisho ka qaadi doona saanadd milatarti oo Imaaraat-ka uu ku tababari jiray ciidamada dowaldda soomalia iyo qalab xafiiseedyadii ay ku shaqeyn jireen shaqaallaha iyo saraakiisha Tababarka ee Imaaraat-ka carabta.

Qalabka milatari oo isugu jira gaadiidka gaashaaman iyo kuwa dagaalka ayuu Imaaraat-ka ka qaatay xeradii uu ciidamada soomaliya ku tababari jiray.

Dowladda Imaaraat-ka carabta ayaa si rasmi ah u joojiyay howshii Tababarka iyo taageerida Ciidamada soomalia kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dowladda federaalka.