Daawo: Imaaraat-ka Carabta oo khilaag xooggan ka dhex abuuray maamulka soomaliland

0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee wadani Cabdi raxmaan Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaallada hargeysa ayaa waxa uu sheegay in muuse biixi uu ka been sheegay heshiiskii dekedda berbera uuna qiyaamay bulshada maamulka soomaliland.

Cirro wuxuu dambiile qaran ku tilmaamay madaxweynihii ka horeeyay muuse biixi ee axmad siilaanyo isagoona sheegay haadaan uu ka riday soomaliland shacabkana been iyo borobogaando aan jirin ka gaday.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah isku casilo muuse biixi haddii kalana lagu sameyn doono maamuus ka xayuubin qasab ah.

Xisibiga kulmiye ayuu ku eedeeyay in shacabka ay qiyaameen mudadii 8 sano ee maamulka ay majaraha u hayeen iyagoo been iyo wax aan jirin shacabka warbaahinta uga sheegi jiray taasi oo ku aadan heshiiska dekedda berbera oo caasimadda muqdisho laga soo saxiixay balse hargeysa lagu shaaciyay.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraat-ka ayaa hadal wadno qabad ah shalay ku dhawaaqay isagoona sheegay in aysan aqoonsaneyn maamul soomaliland la yiraah oo heshiiska dekedda ber bera ay la galeen maamulkii madaxweyne xasan shiikh heshiiskana si cad loogu kala saxiixday magaallada muqdisho oo looga arrimiyo guud ahaan dalka soomalia oo hargeysa ay qeyb ka tahay.

Madaxda maamulka soomaliland iyo siyaasiyiinta maamulkaasi ayaa shacabkooda dacaayaddo raqiis ah oo been abuur ah warbaahinta u marin jiray iyagoona shacabka ku marib habaabin jiray in soomaliland u madax banaantahay masiirkeeda iyo heshiiska dekedda berbera iyagoona meel iska soo taagaayay in aan muqdisho looga arriminin hargeysa taasi ah oo been runta ka fog.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka