Animation

Daawo: IGAD oo Si Layaab leh uga Hadashay Qaabkii Dowlada Federaalka ay u Marti galisay Shir Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay

no responses
Friday September 16, 2016 - 7:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wakiilka uuru gobaleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya danjire Mahamed Cadbi Afey oo manta shir jaraa’id  ku qabtay magalada Nairobi ee dalka Kenya,  ayaa sheegay in shirka madaxda dalalka IGAD ugu soo gabagaboobay magalada Muqdisho  uu ahaa  mid tariikhi ah, isla markaana muujinayay hormar wanaagsan ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga.

Danjire Afeey ayaa dowladda Soomaalia, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaliyeed uga mahadceliyay hirgalinta iyo sida nabadgalyada ah ee Muqdisho uu ugu qabsoomay Shirkii Madaxda dalalka IGAD.

Dhanka kale safirka Soomaaliaya uu fadhiya dalkani Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu shirka uu caddeyn u ahaa in Soomaaliya ay martigalin karto shirar heer caalami ah, maadaama uu soo hagaagay ammaanka dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa marti galisay shir madaxeedkii 28aad ee  IGAD, kaas oo ay kasooqeeybgaleen Madaxweyneyaasha Kenya, Yugandha, Ra’iisul Wasaaradaha dalka Itoobiya, iyo Wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

14341405_10202246166313173_1188575343_n 14341846_10202246059390500_1436846326_n 14349123_10202246058510478_1203273472_n 14356123_10202246166593180_1488471633_n