Animation

Daawo: Hotelka Jaziira oo kala carar uu ka dhacay Xili Cawada halkaasi lagu kala iibsanaayo Codadka xildhibaanada

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 9:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Hotelka jaziira ee magaalada muqdisho oo kamid ah hotlada ay ka socoto ol’olaha musharixiinta ayaa waxaa cawada mar qura ka dhacday kala carar kadib markii la maqlay madaafiic magaalada loo qeybiyay.

Xildhibaano iyo dad badan oo ku sugnaay banaanka hotelka oo ah meel lagu leersado oo kafeygana lagu cabo ayaa waxaa marqura is jiiray dadkii goobta ku wada sugnaay iyagoo ka baqdin qaba in madaafiicda ay kusoo dhacdo hotelka.

Hotelka waxaa cawada ku hoyana xildhibaano badan oo codadkooda ka gadanaya musharixiinta waxaana la sheegay in musharax shiikh shariif uu cawada bilaabay in uu xildhibaanada siiyo lacago badan oo gaaraya min boqol kun oo doollar ayna u dheertahay lacag kaloo beri aroortii la siin doono.

Sidoo kale cawada marka ay tahay waqtiga dambe ee magaalada muqdisho waxaa lagu wadaa in musharax xasan shiikh uu isna bixiyo lacagaha lagu iibsanaayo codka musharixiinta.

Waxaa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee Ol’olaha musharixiinta ay wadaan waxaana cawada si aad ah mashquul looga dareemaya hotelada muqdisho si gaar ah hotelka jaziira oo xildhibaano badan ay ku aruursanyihiin.

Isha ku haay wixii warar ah ee kusoo kordhaa .

Halkaan ka daawo Sawirrada Jawiga hotelka sida uu ahaay xiliga ay madaafiicda dhaceysay

Facebook Comments